Jubaland oo dagaalka Beled-xaawo iyo Dooloow ku eedeysay dowladda Somalia.

0
28

Dowladda Jubbaland oo War kasoo saartay Dagaaladii Shalay ilaa Xalay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ku qaadeen Shacabka Degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

“Muddo ku dhow toddobaad, magaalada Beledxaawo waxay wajahaysay weerarro isdaba joog ah oo kaga imaanaya ciidamo ku sugan xerada UK ee duleedka magaaladaas, iyadoo shakhsiga hoggaaminaya damacan gurracan oo aan ka tirsanayn CXD, diyaarad dagaal uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud ku geeyay xerada UK xili inta badan garoomada diyaaradaha gobolka ay cunoqabateyn saaran tahay oo loo diiday dadka shacabka ah inay ka dhoofaan iyadoo aalad dagaal loo adeegsanayo awoodda maamulka hawada Soomaaliya.

Goor hore oo shalay ah, ciidamadaasi waxay mar kale si toos ah u weerareen magaalada Beledxaawo, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Jubaland. Weerarkaasi wuxuu sababay barakac baahsan, burbur hantiyeed oo xooggan, iyo cabsi laga dhaxlay hub culus, oo si aan loo meel dayin loogu garaacay gudaha magaalada. Intaa kaliya kuma ekaan, ee ciidamadaasi waxay sidoo kale biliilaaysteen guryo ay dadkii lahaa ka qaxeen, taasoo si cad u muujinaysa in aanay wax dan ah ka lahayn shacabka iyo deegaanka.

Dhanka kale, ciidamada nabadsugidda ee ka amar qaata eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud ee fadhiigoodu yahay magaalada Doolow, ayaa xalay weerar gardarro ah ku qaaday xarumaha ciidamada Dowladda Jubaland ee magaaladaasi.

Weerarkan wuxuu astaan u yahay damaca sii fidaya ee ah in la carqaladeeyo xasilloonida Jubaland, iyadoo la adeegsanayo awood ciidan oo sharci darro ah isla markaana colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanka.

Dowladda Jubaland waxaa ka go’an ilaalinta amniga shacabka, difaaca dhulka Jubaland, iyo ka hortagga dhammaan qorshayaasha gurracan ee ay wadaan taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud.

Weerarada uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud kusoo qaaday Jubaland waxay si toos ah u wiiqayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna carqaladeynayaan jihadii mideysnayd ee lagula dirirayey argagixisada.

Jubaland waxay si weyn uga xun tahay in kooxda Khawaarijta ay la wareegto degmada Maxaas, taasoo muujinaysa halista ay leeyihiin khilaafaadka siyaasadeed ee lagu hagayo awood ciidan oo aan sharciyad lahayn halkii xoogga laga saari lahaa dagaalka Al Shabab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here