Wararka ka imaanaya tuulada qarsa khorof oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada wajeer ee gobolka waqooyi bari ee dalka kenya ayaa sheegaya in halkaasi biriq ay ku leysay Xoolo aad u farabadan, kadib roobab saacado badan ka da’ay Tuuladaasi.
Biriqda ayaa dishay in ka badan 52 oo neef oo dhamaantood ahaa Ari, kuwaas oo la tilmaamay iney ku xareysnaayeen hal xero xiliga ay biriqdu haleeshay.
Sabdow muxumad oo ah shaqsiga biriqdu ka laaysay Xoolaha ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan Xoolahiisii uusan uga badbaadin hal neef.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Xoolaha biriqdu laaysay iney ku noolaayeen sadax qoys oo tiro ahaan gaaraya 40 ruux, haatana aysan jirin wax ay haystaan.
Si kastaba ha ahaatee biriqdaan Xoolaha leysay ayaa kusoo aadeysa, iyadoo guud ahaan dalka ay ka curteen roobabka Deerta islamarkaana dowladda kenya ay ka digtay daadad ka dhalan kara roobabka curtay.