Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Buula xaaji ee katirsan gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in 40 askari oo ku sugnaa Degaankaasi ka goosteen xiradii ay ku sugnaayeen iyaga oo sheegay in ay aadiyaan dhanka dowlada.
Askarta ayaa ku jirta kuwa u dhashay deegaanka iyo kuwa laga keenay dowlad deegaanka ayaa u adkeysan wayay dhibaataa ku heysata buula xaaji waxayna shegeen in ay aadayaan dhanka dowlada oo ay marayaan deegaanada xeebaha.
Taliyaha ciidanka birjeex iyo saraakiil kale oo isku dayay in ay celiyaan ayaa suurta gali weyday iyaga oo ka baqay in ay buula xaaji dagaal ka dhaco.
Hoggaamiye Axmed madoobe sanadkan aad baay xaalada ugu adagtahay iyada oo ciidamadii ugu badnaa sacadba saacada ka dambeysa aadayaan Ciidanka Xoogga Dalka.
Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in Maamulka Jubbaland uu qadka Internet-ka ka jaray Magaalada Raaskambooni oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Xoogga dalka, isla markaana maalmihii lasoo dhaafay ay halkaasi garayeen ciidamo kasoo goostay Maamulka Jubbaland.
Sidoo kale wali saraakiisha ku sugan Magaalada kama warbixin warka sheegaya in Khadkii Internet-ka laga jaray iyo kale, balse madaxda Jubbaland ayaa maalmihii dambe farriimo culus u direysay Madaxda ugu sareeysay Dalka

