Site icon rnnsomalitv

In Ka Badan 100 Xildhibaan oo Ka Tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo War Kasoo Saaray Xaaladda Dalka

Screenshot

Muqdisho – In ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah war kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo muujiyey walaac xooggan oo ku saabsan qaabka ay u socdaan arrimaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan doorarka Golaha Wadatashiga Qaran iyo maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in dhamaan go’aannadii siyaasadeed ee dhawaan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ay yihiin go’aanno uu gaaray hal urur siyaasadeed, taasoo ay sheegeen in ay ka turjumeyso siyaasad dhinac u janjeerta oo aan metelin danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxay si adag ugu baaqeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in haddii uu ka laaban waayo siyaasadda hal dhinac ah ee uu ku socdo, ay ku talinayaan inuu iska casilo xilka, si dalka looga badbaadiyo khilaaf qaran oo sababi kara qalalaase siyaasadeed iyo amni.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka wajahayo xaalad hubanti la’aan siyaasadeed, iyadoo weli khilaafka ka taagan yahay arrimaha dastuurka, doorashooyinka, iyo kala-maamulidda awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Exit mobile version