Site icon rnnsomalitv

Hooyo Fartuun Axmed Nuur oo Lagu Dilay Gurigeeda Gudihiisa – Ciidanka Booliska oo Eedeysan

Waxaa si naxdin leh loo toogtay Fartuun Axmed Nuur, oo ahayd hooyo Soomaaliyeed oo korinaysay lix carruur ah, xilli ay ku sugnayd gudaha gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Ceelasha Biyaha.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in cagaf-cagaf burburin waday oo ay wateen ciidamada dowladdu ay gudaha ugu galeen gurigeeda. Markii ay hooyo Fartuun su’aashay “Maxaa dhacay oo sidaan naloo galayaa?”, ayaa la sheegay in askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu xabad wadnaha uga dhuftay, taasoo keentay in ay ku dhimato isla goobtii.

Meydkeeda wali wuxuu yaallaa talaajadii maydka iyadoo aan weli la qaadin, waxaana dhacdadan si weyn uga falceliyay bulshada deegaanka oo dalbanaya caddaalad iyo in askarigii falka gaystay lasoo xiro.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda federaalka ee Soomaaliya ku saabsan dhacdadan murugada leh.

Exit mobile version