Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.
Kulankan ayaa xooga saaray is-xogwaraysi iyo sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashiga u dhexeeya Taliska Xoogga Dalka iyo Maamulka SSC-Khaatumo, si gaar ah arrimaha mudnaanta u leh qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

