Hay’adda NISA oo ku dhawaad 30 xubnood Al-shabaab uga dishay gobolka Shabeellaha Dhexe

0
64

Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa waxa uu aahfaahin ka bixiyay howlgalo qaatay in ka badan 12 saacadood oo ay ka fuliyeen deegaanka Yaaqle ee ku yaallaWarsaxafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalada lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

NISA ayaa sheegtay in howlgalada laga fuliyay goob isku aruursanayeen xubnaha ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana howlgalka uu ahaa mid u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Warsaxafadeedka NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalada lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay wateen xubnaha ka tirsan Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka

FB_IMG_1730626292630-212x300 Hay'adda NISA oo ku dhawaad 30 xubnood Al-shabaab uga dishay gobolka Shabeellaha Dhexe

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here