Muqdisho, 20-ka Abriil 2025 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada Aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan howlaha ay wadajirka u leeyihiin ee la xiriira xeer dejinta iyo shaqooyinka horyaalla Baarlamaanka 11-aad.
Labada Guddoomiye ayaa isla meel dhigay in si wadajir ah loo dardargeliyo howlaha baaxadda leh ee u baahan mudnaan gaar ah, si loo hormariyo shuruucda muhiimka u ah dowladnimada iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Leave a Reply