Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka in ay ka qeyb galaan fadhiyada Golaha, sababo la xiriira xaalado amni.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka ka codsaday in ay soo gudbiyaan talo bixin iyo tallaabooyin sharci ah oo ku habboon, si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha, loogana jawaabo xaaladdan.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga gudaha Golaha iyo ilaalinta habsami u socodka shaqada sharci-dejinta ee dalka. RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan hay’adaha baarlamaanka.
