Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mooshin ka dhan Wasiirka arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, loo gudbiyay Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya.
Qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay wasiirka, ayaa ku eedeeyay in uu curyaamiyay hanaanka shaqada wasaaradda, isagoona wasiir dowladaha iyo wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha wasaarrada uu ku amray inaysan saxiixi karin warqad xilalka ay hayaan.
Sidoo kale waxa ay wasiirka ku Eedeyeen in shaqadii wasaarrada oo ay ka mid tahay tasdiiqinta waraaqaha la siiyay shirkad gaar ah, taasina ay tahay mid qalad ku ah wasaaradda.
Hoos ka akhriso warqada mooshinka ee laga gudbiyay wasiir Axmed Macallin Fiqi.