Site icon rnnsomalitv

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Hanjabaad Culus u Diray Dhigiisa Gobolka Mudug ee Puntland

Screenshot

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), ayaa si kulul uga hadlay xarig la sheegay in loo geystay dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS), kuwaas oo lagu xiray deegaannada Puntland, gaar ahaan gobolka Mudug.

Guddoomiye Najax ayaa fariin adag u diray dhigiisa gobolka Mudug ee Puntland, isagoo ku eedeeyay inuu si mas’uuliyad darro ah ula dhaqmay muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan wax dambi ah lagu heyn.

“Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland waa inuu ogaadaa in Soomaali meel walba wada joogto, isla nooshahay. Waa masuuliyad darro in dad aan wax dambi ah gelin loo xiro sababo aan cadaalad ahayn,” ayuu yiri Najax.

Waxa uu intaas ku daray in dadkaasi lagu hayo xarig aan sharciyad lahayn, wuxuuna ugu baaqay in si degdeg ah xorriyaddooda loo siiyo, halka uu laamaha ammaanka ugu baaqay in ay soo qabtaan cidda falka dilka ah geysatay, haddii uu jiro fal noocaas ah.

Hadalka Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan cabashooyinka laga sheegayo xarig sharci darro ah oo lagu hayo dad kasoo jeeda gobollada Koonfur Galbeed oo ku sugan Puntland.

Exit mobile version