Muqdisho – Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in aysan wax macluumaad ah ka haynin heshiiskii dhowaan la shaaciyay ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Guddiga ayaa sheegay in aysan la socon wax faahfaahin ah oo ku saabsan qodobbada heshiiskaas, taasoo abuurtay su’aalo badan oo ku saabsan daahfurnaanta iyo hab-raaca sharciyeed ee la mariyay heshiiska.
War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay:
“Guddiga Kheyraadka iyo Bii’ada Golaha Shacabka waxa uu si rasmi ah u caddeynayaa inuusan wax xog ah ka helin heshiiska ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, taasoo ka hor imaaneysa hab-raaca dastuuriga ah ee ansixinta heshiisyada caalamiga ah.”
Arrintan ayaa imaneysa xilli heshiiska lala galay Turkiga uu yahay mid saameyn ku leh kheyraadka badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya, waxaana hadda laga sugayaa in Golaha Shacabka si rasmi ah uga doodo.
Leave a Reply