Fanaanada Luul Jaylaani oo ku geeriyootay dalka Mareykanka

0
73

Alle hau naxariisto waxaa xalay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ku geeriyootay fanaanadii qaranka Soomaaliyeed Luul Jaylaani.

Fanaanada Luul Jaylaani ayaa kamid ah aheyd fanaaniintii Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa qaadista heesaha Banaadiriga, iyo jilida Riyaawado kala duwan ee ka turjumaya noolashada dadka Soomaaliyeed,

Marxuumada ayaa la sheegay inay u geeriyootay xanuun hayay mudooyinkii dambe, waxaana geerideeda ka tacsiyadeeyay Fanaaniin, Siyaasiyiin iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Burburkii kaddib dowladdii dhexe ee Soomaaliya, Luul Jaylaani, ayaa kamid aheyd dadka Soomaliyeed ee u qaxay qurbaha. Iyada oo 2018-kii mar dalka dib ugu soo laabatay marxuumada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here