Site icon rnnsomalitv

Ethiopian Airlines oo dhiseysa garoonka ugu weyn Afrika oo laga hirgelinayo Bishoftu

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa qorsheyneysa in ay ka dhisto magaalada Bishoftu ee dalka Itoobiya garoonka diyaaradaha ugu weyn qaaradda Afrika.

Shirkadda ayaa dhowaan heshiis maalgelin ah oo gaaraya $7.8 bilyan la saxiixatay Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank Group), si mashruucaasi loo hirgeliyo.

Garoonka cusub wuxuu yeelan doonaa afar (4) waddooyin diyaaradeed (runways), awood uu sanadkii ku qaabili karo 100 milyan oo rakaab ah, iyo meel lagu keydiyo 270 diyaaradood (parking).

Mashruucan ayaa la filayaa in la dhameeyo sanadka 2029.

Exit mobile version