Erdogan: Dalal badan ayaa Turkiga garabkooda joogay tobanaan sano, balse wali ma gaarin awood buuxda

Istanbul, Turkiga – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hadal miisaan culus leh ka jeediyay madal caalami ah, isagoo si dadban u dhaliilay dalal uu dalkiisu muddo dheer taageerayay – kuwaas oo uu sheegay in aysan wali gaadhin heer ay si buuxda u maamulaan awooddooda.

Isagoo tusaale usoo qaatay dalalka Azerbaijan iyo Liibiya, ayuu Erdogan sheegay in ay si wanaagsan u fahmeen kaalinta ay Turkigu ka ciyaari karo horumarkooda, ayna gaareen guulo muuqda.

“Marka aad eegto Azerbaijan, way ogaayeen caawimada ay Ankara doonayeen iyo waxa ayaga laga rabay. Ugu dambeyn, waxay gaareen guul. Hadda Liibiya waxay ku socotaa in ay ismaamusho xitaa Turkiga la’aantiis,” ayuu yiri Erdogan.

Hadalka madaxweynaha ayaa qeyb ka ahaa warbixin guud oo ku saabsan taageerada Turkigu siiyo dalalka dhibaatooyinka kasoo kabanaya, gaar ahaan kuwa Muslimka ah.

Wuxuu intaa raaciyay: “Dalal badan way daalayaan, Turkigana tobanaan sano ayuu garabkooda joogay. Balse wali lama helin jidkii loo mari lahaa in ay awood buuxda ula wareegaan.”

Inkasta oo uusan si toos ah u magacaabin Soomaaliya, hadalka Erdogan ayaa loo arkay in uu si maldahan ugu socday Muqdisho — halkaas oo Turkiga uu si weyn uga taageeray arrimaha amniga, caafimaadka, dhismaha kaabayaasha, iyo siyaasadda diblomaasiyadda.

Hadalkan wuxuu imaanayaa xilli taageerada Turkigu ay weli ka jirto Soomaaliya, balse su’aalo badan laga keenayo saameynta dhabta ah ee taageeradaas iyo sababta ay dowladda Soomaaliya uga gaabisay dhisidda awood qaran oo buuxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *