Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa sheegaya in duulimaadkii garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso, uu dib u biloowday kaddib maalmo kooban oo hakad ku jiray.
Maamulka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in howlaha duulimaadka diyaaradaha yimaada ama ka baxa garoonka ay caadi ku soo laabteen, kaddib markii ay Axaddii aanu kasoo gudbanay baaqdeen qaar kamid ah duulimaadyadii imaan jiray Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Sababta uu hakadka ugu yimid garoonka ayaa waxa ay aheyd khilaaf soo kala dhex-galay ciidanka PSF, iyo mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso,balse waxaa la sheegay in dedaal dheer kaddib uu garoonka sidiisi hore u shaqo bilaabay.