Site icon rnnsomalitv

Duqa Muqdisho oo la kulmay Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay, Sii hayaha Ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta, iskaashiga labada dhinac, doorka Taageerada Amniga, Arrimaha doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Muqdisho iyo sidii Dowladda Hoose ee Xamar loogu taageeri lahaa qorshaha horumarinta Caasimadda iyo shaqo abuurka dhalinyaradda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir,  ayaa Xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS)  kaga mahadceliyay doorkooda garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Exit mobile version