Site icon rnnsomalitv

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qaaday xanibaaddii saarneyd duulimaadyada tooska ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qaaday xanibaaddii saarneyd duulimaadyada tooska ah ee u kala gooshi jiray magaalada Kismaayo iyo Nairobi, iyo sidoo kale Kismaayo iyo Dhoobleey, sida uu RNN Somali TV u xaqiijiyey Wasiirka Gaadiidka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdilaahi Dhubad Shiil Cumar.

Xayiraaddan ayaa dhowr bilood saarnayd duulimaadyada, taas oo keentay caqabado weyn oo saameyn ku yeeshay isu-socodka dadweynaha, ganacsiga, adeegyada caafimaadka iyo arrimo kale oo nolosha bulshada si toos ah u taabanayay.

Go’aankan dowladda Federaalka ay qaadatay ayaa la sheegay inuu yahay mid ka mid ah dhowr qodob oo Jubbaland dhowaan u gudbisay Golaha Samatabixinta Qaranka, kuwaas oo sidoo kale loo gudbiyey dowladda dhexe.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid dhabbaha u xaareysa is-afgarad ballaaran oo u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda dhexe, iyadoo la filayo in xiriirka labada dhinac uu dib u hagaago, gaar ahaan dhinacyada amniga, maamulka hawada, iyo adeegyada dadweynaha.

Exit mobile version