Site icon rnnsomalitv

Doorashada kuraas ka banaan golaha shacabka oo maanta ka dhaceysa magaalada Jowhar

Doorashada kuraasta HOP097  iyo  HOP098 oo katirsan golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabeelle.

Kuraastaan ayaa waxaa bananeeyay oo ka geeriyooday wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye, iyo xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale ( Sey-sey) oo labaduba katirsan Baarlamaanka golaha Shacabka.

Kuraastan ayaa waxa u kala tartamaya Cabdikariin Maxamed Diiriye, una sharaxan HOP097 halka Cabdiqaadir Maxamuud Maxamed uu asna u sharaxan yahay HOP098.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa ka socota magaalada Jowhar, waxaana howlka doorashada goob joog ku ah ergada dooraneysa mas’uuliyiin dowladeed iyo kormeerayaal madax-banaan.

Exit mobile version