DFS oo hub iyo ciidamo horleh geysay Magaalada Raaskambooni & diyaaradaha oo jibiyay…

0
85

Sida ay wararka sheegayaan waxaa maanta Magaalada Raaskambooni ka degay diyaarado ka baxay Muqdisho,kuwaasi oo la sheegay inay wadeen ciidamo iyo sanaad miatari.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in sababta ay dowladda ciidamada ugu sii wado Magaalada Raaskambooni, ay tahay mid ay ku xoojineyso dhaq-dhaqaaqa ciidan ee maalmihii lasoo dhaafay halkaasi kawaday.

Si sax ah looma oga tirade Askarta maanta laga dejiyay Raaskambooni, balse wararka madax-banaan ayaa sheegaya in ka badan 200 Askari ay halkaasi gareen.

Sidoo kale Ciidamo kale oo kuwa xoogga oo ka baxay aaga Magaalada Kismaayo ay gareen Magaalada Raaskambooni, oo hadda ah furinta dagaalka u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawishta Maamulka Jubbaland.

Sikastaba, tagi taanka diyaaradaha maanta ee Magaalada Raaskambooni, ayaa ku soo aadaya iyada oo Jubbaland ay shirkadaha diyaaradaha uga digtay in ay tagaan Magaaladaas, maadama xiisad isku badali karta gacan ka hadal ay halkaasi ka taagan tahay.

 

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here