Deni Oo Ka Horyimid Shirka Muqdisho: “Xasan Ha Ka Dhabeeyo Gogosha”

0
12

Garowe – RNN Somali TV

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland ay sii maqnaan doonto inta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya aysan ka dhabayn heshiisyadii hore ee ay kala saxiixdeen, kuwaasoo uu ku tilmaamay in dowladda dhexe ay ka baxday.

Deni ayaa si cad u sheegay inuusan ka qeyb gali doonin Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado inuu bisha May ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaasoo casuumaaddiisa uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Xasan ha ka dhabeeyo ballan-qaadka gogosha, hana ku soo noqdo wixii lagu heshiiyey,” ayuu yiri Deni, isagoo si toos ah farta ugu fiiqay in khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe uu salka ku hayo heshiisyo laga baxay, gaar ahaan arrimaha la xiriira dhamaystirka Dastuurka.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan jeediyay xilli uu khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac uu marayo meel xasaasi ah, islamarkaana laga walaacsan yahay saameynta uu ku yeelan karo hannaanka dowlad-dhisidda Soomaaliya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here