Friday, November 22, 2024
spot_img
HomeARIMAHA BULSHADAMaxaa ka jira in xilka laga qaadayo Taliyaha Booliska Soomaaliya ?

Maxaa ka jira in xilka laga qaadayo Taliyaha Booliska Soomaaliya ?

Warar soo baxay ayaa sheegaya in xilkii Taliyaha Booliiska Soomaaliya laga qaaday Sulub Axmed Firiin.

Xilkaan ayaa la wariyay in loo magacaabay Asad Diyaano oo mar ahaa Taliyaha Ciidanka PSFta Puntland laba jeerna isku sharaxay xilka Madaxweynaha Puntland.

Si rasmi ah looma shaacin xil ka qaadistaan hayeeshee Saraakiil ka tirsan Booliiska oo xogtaan laga soo xigtay ayaa wariyay.

Asad Diyaano ayaa in muddo ah loo saadaalinayay xilkaan inkastoo marar badan oo lagu magacaabi rabay Golaha Wasiirrada aysan dhicin.

26 Janaayo ee 2023 ayaa loo magacaabay Xilka Taliyaha Booliiska Soomaaliya maantase waa laga qaaday.

Sulub sidoo kale horay waxa uu Xukuumadda hadda jirta ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya.

Sulub Axmed Firiin ayaa maalma ka hor loo dalacsiiyay Sareeya Gaas maantane munaasabad dhacday baa loogu xiray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments