DEGDEG: Weerar Lagu Qaaday Senator Ilyaas Gaboose oo Ka Taagan Kismaayo.

0
57

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo ka tirsan Booliska Jubaland, kuwaas oo ka amar qaata Axmed Madoobe, ay weerar ku qaadeen Senator Ilyaas Gaboose, Musharrax Madaxweynaha Jubaland. Weerarka oo qorshuhu ahaa in Senator-ka la dilo ayaa fashilmay, isagoo ka badbaaday isku daygaas.

Ilaalada Senator Gaboose ayaa iska caabiyay weerarka, waxaana ay dileen afar (4) ka mid ah ciidanka Axmed Madoobe soo diray. Inkastoo Senator Gaboose uu badbaaday, darawalkiisa, Bukhaari Yare, ayaa ku dhaawacmay weerarka, balse waxaa goor dambe la xaqiijiyay inuu geeriyooday.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu wajahayo qalalaase siyaasadeed oo daran, iyadoo musharrixiin ay si xooggan ugu loolamayaan kursiga Madaxweynaha Jubaland. Waxaa la rumeysan yahay in xiisaddan ay ka dhalatay isku dayo uu Axmed Madoobe ku doonayo inuu ku boobo doorashada Kismaayo.

Kismaayo ayaa hadda laga soo sheegayaa xaalad hub aruursi ah oo u dhaxaysa taageerayaasha labada dhinac. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, iyadoo ay jiraan baaqyo loo dirayo dhinacyada inay joojiyaan gacan ka hadalka oo ay xal nabadeed ka gaaraan khilaafka taagan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here