Site icon rnnsomalitv

DEGDEG: Qarax Bambo Gacmeed ah oo ka dhacay degmada Afgooye, daqiiqado kadib markii halkaasi lagu dilay qof rayid ah

Afgooye, 10 May 2025 – Qarax bambo gacmeed ah ayaa goordhow ka dhacay agagaarka dugsiga Tadaamun ee degmada Afgooye, halkaas oo ay ciidamada ammaanka fariisin ku lahaayeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in bambada gacanta lagu tuuray ciidamo halkaasi ku sugnaa, hase yeeshee khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay lama xaqiijin illaa iyo hadda.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya daqiiqado un kadib markii qof shacab ah lagu dilay gudaha degmada Afgooye, taasoo sare u qaadaysa walaaca ammaanka ee degmadaas.

Maamulka gobolka iyo hay’adaha amniga weli kama aysan hadlin falalkan isdaba jooga ah ee ka dhacay Afgooye. Waxaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo saacadaha soo socda.

RNN Somali TV ayaa si dhow ula socota xaaladda, wixii kusoo kordhana waad kala socon doontaan wararkeena dambe.

Exit mobile version