DEGDEG: Kismaayo oo Dagaal Qarka u Saaran Kadib Doorashadii Madaxweynaha Jubaland.

0
62

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in xiisadda magaalada ay cirka isku shareertay kadib doorashadii maanta lagu doortay Ilyaas Badal Gaboose Madaxweynaha Jubaland.

Ciidamo fara badan oo ka soo baxay furimaha dagaalka ayaa soo galay gudaha magaalada si ay ammaanka madaxweynaha cusub u xaqiijiyaan, iyagoo la wareegay gacan ku haynta goobaha muhiimka ah ee Kismaayo.

Arrintan ayaa ka careysiisay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, waxaana laga cabsi qabaa in isku dhac cusub uu ka dhaco magaalada, iyadoo ciidamadiisa ay isku diyaarinayaan tallaabo militari oo ka dhan ah madaxweynaha cusub iyo taageerayaashiisa.

Isku dayadii maanta lagu doonayay in lagu hor istaago doorashada ayaa sababay rabshado, iyadoo ciidamada Jubaland ee ka amar qaata Axmed Madoobe ay weerar ku qaadeen goobta doorashada. Weerarkaasi ayaa lagu dilay darawalkii gaarka ahaa ee Ilyaas Badal Gaboose, taas oo sii xoojisay xiisadda ka taagan magaalada.

Kismaayo ayaa hadda qarka u saaran dagaal, iyadoo beesha caalamka iyo shacabka Jubaland ay ugu baaqayaan dhinacyada inay ka fogaadaan dhiig daadin iyo in xiisadda lagu xalliyo wadahadal.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here