DEGDEG: Ciidamada Maamulka Soomaalida Itoobiya oo weeraray Xafiiska Ururka ONLF ee magaalada Jigjiga

Jigjiga – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Maamulka ay weerar ku qaadeen xafiiska ururka ONLF (Ogaden National Liberation Front), xilli uu halkaas ka socday shir muhiim ah.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamadu si lama filaan ah u galeen xarunta ururka, islamarkaana ay xabsiga u taxaabeen dhammaan xubnihii shirka ku sugnaa. Wararka qaar ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ah xubnahaasi la jirdilay, isla markaana ay soo gaareen dhaawacyo culus.

Sababta weerarka ayaa wali si rasmi ah loo shaacin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka ama laamaha amniga. Dhacdadan ayaa dhalisay dareen culus iyo walaac ku saabsan xaaladda xuquuqul insaanka iyo xoriyadda ururrada siyaasadeed ee deegaanka.

Waxaa la filayaa in ururka ONLF uu ka hadlo arrintan saacadaha soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *