Afgooye, May 10, 2025 – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dabley ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay toogasho ku dileen Maxamed Shariif Xaajiyoow (Maahi), oo hore uga mid ahaa shaqaalaha Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in marxuumka la dilay xilli uu ka soo baxay gurigiisa, isagoo watay mooto nooca loo yaqaan Feykon, taas oo uu maalmihii u dambeeyay ku shaqeysanayay.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee loo beegsaday, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay dilka, inkasta oo Al-Shabaab ay horay u beegsan jireen shaqaale dowladeed, dhaqaatiir, iyo dad rayid ah.
Ehelada iyo dadka deegaanka ayaa ka naxay falkan naxdinta leh, iyagoo dalbaday in la helo caddaalad iyo amni sugan oo deegaanka lagu ilaaliyo.
RNN Somali TV ayaa si dhow ula socota xaaladda, wixii warar ah ee kasoo kordhana waad kala socon doontaan wararkeena xiga.

