Dowladda Shiinaha ayaa si rasmi ah u shaacisay diyaarado cusub oo tiknoolajiyad sare leh oo loo bixiyey JY-27V, kuwaas oo la sheegay inay leeyihiin awood sare oo lagu ogaan karo halka ay ku sugan yihiin diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, xitaa kuwa leh astaamo aan raadaradu qaban karin (stealth aircraft).
Diyaaraddan JY-27V ayaa ah kuwo lagu qalabeeyey raadar casri ah oo fog wax ku arka, isla markaana awood u leh inay si qoto dheer u baaraan hawada, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah horumarrada istiraatiijiyadeed ee ugu waa weyn ee Shiinaha uu ku kordhiyo awooddiisa difaaca cirka.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan tartanka milatari ee u dhexeeya Beijing iyo Washington, gaar ahaan gobolka Asia-Pacific, halkaasoo labada dal ay ku loolamayaan saameyn siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni.
Khabiirro badan ayaa rumeysan in soo saaridda diyaaraddan cusub ay fariin cad u tahay Mareykanka iyo xulafadiisa, taasoo muujinaysa in Shiinaha uu diyaar u yahay inuu la jaanqaado horumarka teknolojiyadda milatariga ee reer galbeedka.
Waxaa la sugayaa sida ay Washington uga falcelin doonto tallaabadan cusub ee Shiinaha.

