Muqdisho | Maajo 7, 2025 – Subaxnimadii saaka ayaa laba qarax oo nooca miinada dhulka lagu aaso ah lagu bartilmaameedsaday bar koontaroollo ay leeyihiin ciidanka NISA oo ku yaalla degmooyinka Wadajir iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan ayaa lagu beegsaday ciidamo ka tirsan hay’adda nabad-sugidda qaranka xilli ay ku sugnaayeen meelaha laga galo degmooyinkaasi. Ilaa hadda lama soo warin wax khasaare ah, balse ciidamada ammaanka ayaa durba bilaabay baaritaan.
Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in weerarradan lagu doonayay in lagu carqaladeeyo howlaha ammaanka ee hay’adaha sirdoonka dalka.

