Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay shil diyaaradeed oo saakay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM ay ku dhacday kadibna ay dab qabsatay.
Diyaaradda oo kasoo duushay saldhigga ciidamada ee Balidoogle, ayaa la sheegay in ay ku dhacday garoonka xilli ay kusoo degeysay, iyadoo markiiba uu kacay dab xooggan oo aan si fudud lagu damin karin, taasoo ugu dambeyn sababtay in diyaaradda si buuxda u gubato.
Wararka hordhaca ah ee la helay ayaa tilmaamaya in diyaaraddan aysan siday dad rayid ah balse ay ahayd mid millatari, waxaana shilkaasi sababay cabsi iyo argagax muddo kooban hareeyay garoonka.
Ilaa hadda lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay shilkaasi, balse Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheegay in baaritaan degdeg ah lagu wado sababta keentay shilkaasi, isaga oo xusay in lala kaashanayo hay’adaha ammaanka iyo ciidamada AUSSOM.
Garoonka Aadan Cadde ayaa si ku-meel gaar ah hawada looga xiray si loo sugo ammaanka iyo in la hubiyo xaaladda goobta shilka.
RNN Somali TV ayaa si dhow ula socota wixii kusoo kordha xaaladdan.
La soco wararkeena dambe…
