Dawladda Puntland aya si rasmi ah ugu wareejiso dawladda Turkiga masuuliyadda markabka MVSeaWorld iyo shixnadda.

0
57

Madaxweynaha Puntland, Siciid A Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E Alper Aktaş.

Puntland iyo Turkiga oo ka warbixiyey markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran. Dowladda Turkiga ayaa Puntland la wadaagtay cadeymo cadeynaya in shixnad ay leedahay dowladda Turkiga.

Dawladda Puntland markii ay dib u eegis ku samaysay dukumentiyada cadaymaha iyo dhamaystirka baadhista waxaay go’aansatay in ay si rasmi ah ugu wareejiso dawladda Turkiga masuuliyadda markabka MVSeaWorld iyo shixnadda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here