Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo halkaas, kaasoo u dhexeeya ciidamada Daraawiishta Jubaland oo ka amar qaata Axmed Madoobe, iyo ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya xoogagga deegaanka.
Weerarka ayaa yimid kadib markii ciidamo Jubaland ah ay weerar ku qaadeen magaalada Kulbiyow, halkaas oo dhawaan dadka deegaanka ay si cad uga soo horjeesteen maamulka Axmed Madoobe. Shacabka deegaanka ayaa la rumeysan yahay inay sababtaas darteed bartilmaameed u noqdeen.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay mid weli socda, iyadoo labada dhinac ay is weydaarsanayaan hub culus iyo rasaas xooggan. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inay dagaalkaasi keeno khasaare xooggan oo naf iyo maalba leh.
Faahfaahinta ku saabsan khasaaraha iyo xaaladda guud ee Kulbiyow ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin, balse waxaa muuqata in xiisadihii u dhexeeyay maamulka Jubaland iyo dadka deegaanka ay ku sii fidayaan deegaano hor leh.

