Qoryooley – RNN Somali TV
Dagaal beeleed ayaa maanta si lama filaan ah uga qarxay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo uu wali dagaalku si xooggan uga socdo qeybo kamid ah degmada.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Qoryooley ayaa RNN Somali TV u xaqiijiyay in dagaalka uu sababay dhimashada ugu yaraan 7 qof, halka dhaawacyada ay aad uga badan yihiin, waxaana la filayaa in tiradaasi ay kororto maadaama xabadu wali ka dhacayso magaalada gudaheeda.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo muran xoogan oo ka dhashay cidda maamuleysa degmada Qoryooley, taas oo ay si weyn isugu khilaafeen beelaha deegaanka wada dega. Khilaafkan ayaa la rumeysan yahay inuu muddo soo jiitamayay, balse maanta isu beddelay gacan-ka-hadal iyo dagaal culus.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay jirto cabsi xoogan oo laga qabo inuu dagaalku saameyn weyn ku yeesho amniga guud ee degmada iyo gobolka Shabeellaha Hoose.
Ilaa iyo haatan, ma jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka gobolka ama maamulka Shabeellaha Hoose oo ku saabsan dagaalkan, mana jirto dadaallo muuqda oo lagu xakameynayo xaaladda taagan.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka qaxaan xaafadaha ay dagaalladu ka socdaan, iyagoo ka baqaya inuu dagaalku ku faafo guud ahaan degmada.
Dagaalka ka socda Qoryooley wuxuu muujinayaa baahida degdegga ah ee loo qabo xal siyaasadeed iyo dhexdhexaadin beeleed si looga hortago sii daba dheeraanshaha colaadahan saameynta ballaaran ku yeelan kara gobolka Shabeellaha Hoose.
RNN Somali TV waxay la socon doontaa xaaladda Qoryooley, iyada oo idinla wadaagi doonta wixii warar cusub ah oo kasoo kordha.