Site icon rnnsomalitv

Ciidanka xoogga dalka oo ka hortagay weerar ay qorsheynayeen in ay fuliyaan kooxda ‘AS’

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa in xubno katirsan Al-shabaab  ay dhagar u soo maleegaayaan shacabka ku nool deegaannada horay looga xoreeyey kuwaas oo isku aruursanayey Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadaad ee gobolka Mudug.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa warbaahinta dowladda  u xaqiijiyey inay dileen xubnihii weerarka damacsanaa  sidoo kalana ay burburiyey dhow fariisin oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.

Exit mobile version