Site icon rnnsomalitv

Ciidanka NISA oo Howlgal Kafuliyey Gobolka Hiiraan ku Dilay 13 Khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyey howlgal qorshaysan oo ka dhacay Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax, gobolka Hiiraan. Howlgalkan ayaa lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaasoo horey uga firxaday duqeymo iyo howlgallo horey loogu qaaday isla deegaankan.

Hawlgalkan oo la fuliyey labo jeer oo isku xigta ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goob ay Khawaarijtu ku abaabulayeen qorshayaal gurracan oo lid ku ah shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka NISA ayaa guul ka gaaray howlgalkaasi, iyagoo meesha ka saaray dhammaan dhagarihii ay maleegayeen kooxdaasi. Sidoo kale, hub iyo agab ciidan oo ay wateen maleeshiyaadkaasi ayaa lagu burburiyey goobta.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxay adkaynaysaa in aysan jirin meel dalka ka mid ah oo Khawaarijtu si nabad ah ugu dhuuman karaan. Dedaalka NISA ee ku aaddan ciribtirka kooxahan argagixisada ah wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Exit mobile version