Site icon rnnsomalitv

Ciidanka Booliska Koonfur Afrika oo ka hortagay rabshadaha lagu dhibaateynayo Ajaanibta

Dowladda Koonfur Afrika ayaa Ciidamo Boolis ah u daad-gureeysay aaga Magalada Delmas Ee Gobolka Mpumalanga, Kaddib markii dadka deegaanka ay weerareen Ganacsiyada Ajaanibta iyagoo ka careeysan dhimashada ilmo 6 jir oo sida la sheegay ku sumoobay buskut laga soo iibiyay dukaan spaza shops oo maxali ah oo ay maamulaan shisheeyaha

Dadka deegaanka oo Isugu so baxay wadooyinka Ayaa dab qabadsiiyay 2 dukaan oo spaza ah oo ay lahaayeen ganacsato ajaanib ah inkasto dhalashadooda aan la shaacin

Dhinac kale booliska ayaa xabsiga dhigay Labo xubnood oo kamid ah dadka deegaanka ee ka dambeeyay rabshadaha lagu gubay dukaamada Ganacsiga ee shisheeyaha.

 

Exit mobile version