Ciidamada Qaranka Iyo Geesiyaasha Deegaanka Oo Jab Xooggan U Geystay Khawaarijta Weerar Ku Soo Qaaday Fariisimahooda

0
54

Shabeellaha Hoose & Shabeellaha Dhexe – Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha deegaanka ayaa saaka mar kale guul weyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta nafla caariga ah, kadib markii ay maleeshiyadu isku dayeen inay weerar ku qaadaan fariisimo ay leeyihiin ciidamada.

Sida wararka laga helayo, dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaanka Buursha Sheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo cadowga si adag loogu jabiyay, lagana dilay tiro badan.

Sidoo kale, howlgal qorshaysan oo xalay ay fuliyeen Ciidamada Qaranka ayaa lagu burburiyay goob ay Khawaarijtu isku aruursanayeen oo ku taallay deegaanka Laba-Garas ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Ilo wareedyo rasmi ah ayaa xaqiijiyay in dhammaan maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa la laayay, taasoo jab kale ku ah kooxaha nabad-diidka ah.

Saraakiisha Ciidamada Qaranka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ka go’an tahay xasilloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa muujiyay dhiiranaan iyo taageero ay siiyeen ciidamada, taasoo caddeyn u ah sida shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

Howlgallada ka socda gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa qeyb ka ah dagaalka ba’an ee lagula jiro Khawaarijta, waxaana laga sugayaa in ciidamada ay sii wadaan guulaha ay ka gaarayaan dagaalkan.

RNN Somali Tv News Room.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here