Ciidamada Deegaanka oo Weerar Lama Filaan ah ku Qaaday Khawaarijta Aadan Yabaal

Gobolka Hiiraan, Soomaaliya – Ciidamada deegaanka ee ku sugan Mabaax, oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa galabta markii la tukaday salaadda Maqrib weerar qorsheysan ku qaaday kooxo ka tirsan Khawaarijta (Al-Shabaab) oo isu urursanayay nawaaxiga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dagaalka dhacay uu ahaa mid culus, isla markaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Khawaarijta.

“Waxaan halkaas ku dilnay tiro badan oo ka tirsan Khawaarijta. Howlgalku wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyay,” ayuu yiri mid ka mid ah taliyeyaasha hawlgalka.

Ciidamadu waxay sidoo kale ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagar halis ah oo kooxdaasi qorsheyneysay inay ka fuliso gobolka.

Waqtigan la joogo, waxaa socota qiimeyn faahfaahsan oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee la gaarsiiyay kooxda, iyadoo saraakiishu ay sheegeen in meydad fara badan ay yaallaan goobta dagaalka, oo ku taalla inta u dhaxaysa Mabaax iyo Aadan Yabaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *