Site icon rnnsomalitv

Booliska Dharkenley oo Gacanta ku Dhigay Eedeysane Isku Ekaysi Ciidamada Qaranka

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Degmada Dharkenley ayaa howlgal ay fuliyeen kusoo qabtay eedeysane lagu magacaabo Maxamed Xasan Aadan, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ku kacay falal lagu marin habaabinayo bulshada iyo sumcad dil u geystay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Eedeysanaha ayaa lasoo sheegay inuu si sharci-darro ah u xirnaa tuutaha ciidanka milateriga, iyadoo uusan kamid ahayn ciidamada rasmiga ah ee Qaranka. Intaa kaddib, wuxuu iska duubay muuqaal uu ku handadayo dad rayid ah, taasoo dhalisay dareen cabsi leh oo bulshada dhexdeeda ah.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Macalin Mahdi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Maxamed Xasan Aadan lagu hayo xabsiga ayna socdaan diyaar-garowgii loo mari lahaa maxkamadeyntiisa si sharciga loo marsiiyo.

Booliska ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay si degdeg ah uga warbixiyaan cid kasta oo lagu arko falal la mid ah kuwa uu ku kacay eedeysanaha.

Exit mobile version