AUSSOM oo kahaadle Hawlgalka lagu ku xorreeyey magaalada Bariire.

0
59

Ciidamo wadajira oo ka tirsan AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa Hawlgalka “Duufaanta Aammusan” ku xorreeyey magaalada Bariire, iyagoo dilay in ka badan 100 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaasna gacanta ku dhigay rasaas xooggan.

Hawlglalka lagu xorreeyey Bariire ayaa socday muddo labo toddobaad ah.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa ku ammaanay ciidanka AUSSOM sida ay uga garab dagaallameen Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed si loo xasiliyo Shabeellaha Hoose, halka Taliyaha Ciidanka, S/Guud Sam Kavuma uu ku ammaanay ciidanka sida ay u dardargelinayaan Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya.

Bariire oo deegaan istaraatiiji u ahaa argagaxisada haatan waa mid nabdoon, waxaana ka socdo hawlgallo lagu xaqijinayo sidii nabad waarta & xasillooni looga dhalin lahaa Shabeellaha Hoose.Guushan ayaa xigta qabsashadii dhawayd ee Sabiid iyo Caanoole

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here