Site icon rnnsomalitv

Askari katirsan ciidanka dowadda oo qof shacab ah ku dilay Muqdisho

Faaf faahino dheeraad ah ayaa laga helay askari katirsan ciidanka dowladda oo qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Waaberi, waxaana sababta askariga uu u dilay qofka shacab ah ay aheyd oo kaliya “maxaad ii soo fiirisay”.

Marxuumka geeriyooday oo 21 jir ah, ayaa lagu magacaabi jiray cali, waxaana la sheegay inuu ka shaqeeynayay Foorno ku taalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Goob jogayaal ayaa inoo sheegay in askariga dilka geystay uu goobta isaga baxsaday, meydkana uu yaallo goobta.

Ciidamo katirsan dowladda, ayaa gaaray goobta uu falka dilka ah ka dhacay.

 

Exit mobile version