Muqdisho, 10 May 2025 – Xiisad ayaa ka taagan xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho kadib markii askar ka tirsan ciidanka booliiska la sheegay in ay rasaas ku fureen labo dhalinyaro ah, taasoo sababtay in midkood uu ku geeriyoodo, halka kan kalena uu dhaawac culus soo gaaray.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in askartii falka geestay ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta, iyadoo aan weli la qaban ama laga warbixin haybtooda.
Qoysaska marxuumka iyo dhaawaca ayaa wali raadinaya caddaalad, iyadoo aanay jirin wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay taliska booliiska ama hay’adaha amniga oo ku saabsan sababta dilka loo geystay ama tallaabooyinka laga qaaday.
Falkaan naxdinta leh ayaa kiciyay caro shacabka iyo baaqyo loo jeediyay dowladda si baaritaan dhab ah loogu sameeyo arrinta, loona qaado tallaabo sharciga waafaqsan.
RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa dhacdadan, wixii warar ah ee ku soo kordha waad kala socon doontaan wararkeena xiga.

