Muqdisho, 12-ka May 2025 – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta fuliyay howlgal cirka ah oo qorsheysan, kaas oo lala beegsaday koox ka tirsan Khawaarijta Daacish (ISIS) oo ku sugnaa gudaha Soomaaliya.
Howlgalkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 70km u jirta magaalada Boosaaso dhinaca koonfur-bari, gaar ahaan gobolka Bari ee dowlad-goboleedka Puntland.
Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa burburinta dhaqdhaqaaqyada kooxda Daacish iyo taageeridda Ciidanka Daraawiishta Puntland oo dagaal adag kula jira kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada buuraha ah ee gobolka.
Ilaa hadda waxaa socda qiimeynta khasaaraha iyo xog-ururinta la xiriirta saameynta howlgalka. Taliska AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya midkoodna wali ma shaacin tirada khasaaraha cadowga, maadaama howlgalka uu weli socdo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah u bogaadisay iskaashiga dhow ee kala dhexeeya dowladda Mareykanka, iyada oo xustay in taageerada caalamiga ah ay muhiim u tahay sugidda nabadda, xasilloonida, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya dalka iyo guud ahaan gobolka.

