Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYXildhibaano iyo Siyaasiyiin culus oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho +XOG

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin culus oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho +XOG

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ka badan 40 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha shacabka ee BFS iyo siyaasiyiin kale oo horey xilal uga soo qabtay Dowladda ay xalay shir xasaasi ah ku yesheen guriga uu ka degan yahay Muqdisho Madaxweynihii hore ee dalka Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Siyaasiyiinta ka qeyb galay kulankan u dhaxeeyay Xildhibaanada iyo MW hore Shariifka waxaa kamid ah Guddoomiyayaal hore ee Gobolka Benaadir, iyo Wasiiro hore. Kulanka oo saacado badan qaatay waxaa intiisa badan looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Lama oga waxa ay dhinacyadu isku afgarteen balse xogo ay Shabelle heshay ayaa sheegaya in lagu balamay in lasii wado is-aragyada noocaan oo Kale ah islamarkaana la badiyo tirada ka qeyb galayaasha iyo kulamadaba.

Tan iyo intii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay in hub ka dhigis lagu sameyn doono siyaasiyiinta iyo saraakiisha hubeysan waxaa batay guuxa iyo dhaqdhaqaaqa siyaasiyiin tuhun ka qaba in hadalka Madaxweynaha iyo nooca doorasho ee ay Dowladdiisu rabto ay xiriir ka dhaxayso.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments