War Cusub: Kursiga Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo Loo Celiyay Guddiga Anshaxa Golaha Shacabka

0
11
Screenshot

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah ugu celiyay kursiga HOP#201 — ee uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib — Guddiga Xeer-hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka.

Go’aankan ayaa ku saleysan baahi loo qabo in dib u eegis lagu sameeyo xaaladda kursigan, iyadoo guddigu laga sugayo in uu soo diyaariyo talo sharciyeed oo la xiriirta arrintaasi. Talo-bixintaas ayaa kadib loo gudbin doonaa Golaha Shacabka si go’aan kama dambeys ah looga gaaro.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay isa soo tarayaan doodaha la xiriira hufnaanta iyo sharciyadda kuraasta qaar ee Golaha Shacabka, taas oo dhalisay xiisado siyaasadeed iyo is-mariwaayo ka dhex jira mas’uuliyiinta qaarkood.

Warbixin dheeraad ah ayaa la filayaa marka guddigu dhameeyo baaritaankiisa oo uu golaha dib ugu soo celiyo warbixinta ku aaddan kursigan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here