Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo hortagay Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka

0
10

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamad, Wasiir Kuxigeenka Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar, Agaasimaha Guud Mudane Maxamad Xaashi Carabeey, iyo Maareeyaha Hay’adda Patroolka Soomaaliyeed Mudane Cabdiqadir Maxamad Aadan, ayaa maanta hortagay Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Marwo Bashiir Xaaji. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo quseeya kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Qodobka ugu weyn ee laga dooday ayaa ahaa qoraalkii dhawaan kasoo baxay Baarlamaanka Turkiga ee ku saabsanaa sahaminta iyo soo saarista batroolka Soomaaliya, iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa guddiga la wadaagay warbixin dhameystiran oo ku saabsan marxaladaha kala duwan ee sahanka iyo soo saarista batroolka, shuruucda hageysa howlahaas, iyo qorsheyaasha socda ee ku aaddan kobcinta dhaqaalaha dalka iyada oo la ilaalinayo danaha qaranka.

Kulanka waxa uu sidoo kale xooga saaray muhiimadda daahfurnaanta, hufnaanta, iyo korjoogteynta joogtada ah ee lagu ilaalinayo habsami u socodka howlaha sahaminta iyo soo saarista kheyraadka dabiiciga ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isla garteen in la sii wado kulamo dheeraad ah, si loo xoojiyo wadatashiga iyo la-socodka sharciyada iyo hannaanka la xiriira baarista iyo soo saarista batroolka.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay mar walba diyaar u tahay in ay si hufan ugala shaqeyso hay’adaha sharci dejinta iyo laamaha dowladda ee ku howlan ilaalinta kheyraadka dalka si shacabka Soomaaliyeed uga faa’iideysto.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here