
Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee hore loo yaqaanay Xisbiga UPD (Union for Peace and Development), ayaa ugu dambeyn magacii laga bedelay, kaddib wadatashiyo maalmihii la soo dhaafay socday oo lagu lafa-gurayay dib u habeynta iyo ballaarinta xisbiga.
Magaca cusub ee xisbiga ayaa loo bixiyay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, iyadoo isbeddelkan uu ka dhashay duruufo siyaasadeed iyo baahida loo qabo in xisbiga uu noqdo mid ku furan dhammaan saamilleyda cusub ee kusoo biiray, si loo muujiyo mideynta, cadaaladda, iyo wadajir siyaasadeed.
Wararka ayaa sheegaya in xisbiga cusub uu yeelan doono saddex gole oo maamul, taasoo muujinaysa qaab dhismeed cusub oo kor u qaadaya hannaanka shaqo iyo hufnaanta xisbiga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la isla gartay in aan wax isbedel ah lagu sameyn calaamaddii hore ee UPD, taasoo astaan u ah joogtaynta taariikhda iyo aqoonsiga siyaasadeed ee xisbiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda sare ee xisbiga ayaa rajo weyn ka qaba in magaca cusub uu noqdo mid ku dhisan mabda’a isbeddelka, cadaaladda, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.