Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo Ka Qeyb Gashay Maalinta 4aad ee Tababbarka Guddiyada Hoosaadyada Shaqaalaha Rayidka

0
10

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb gashay maalinta afraad ee tababbarka Guddiyada Hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee ku saabsan hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wafdiga Wasaaradda oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha iyo aqoon-is-weydaarsiyada. Ka-qeybgalka Wasaaradda ayaa caddeynaya sida ay uga go’an tahay hirgelinta nidaamka darajooyinka iyo mushaaraadka ee waafaqsan siyaasadda Dowladda Federaalka.

Tababbarkan oo si habsami leh u socda ayaa diiradda lagu saaraya kor u qaadista fahamka iyo xirfadaha xubnaha guddiyada si ay si mideysan oo hufan uga shaqeeyaan hirgelinta siyaasadda shaqaalaha rayidka. Ujeeddada guud waa in la helo nidaam caddaalad iyo daahfurnaan ku dhisan oo lagu hago howlaha shaqaalaha dowladda.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay si buuxda u taageereysaa dadaallada lagu dhisayo awoodda hay’adaha dowladda, lana xaqiijiyo maamul wanaag, isla xisaabtan iyo adeegyo dadweynaha lagu kalsoonaan karo. Ka-qeybgalka tababbarka wuxuu sidoo kale xoojinayaa wada-shaqeynta iyo is-dhexgalka hay’adaha dowladda ee ku aaddan hirgelinta siyaasadaha muhiimka ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here