Xiisad ka dhex taagan Ganacsatada Qaadka Puntland iyo Qoyska Madaxweynaha Saciid Deni

0
13

Wararka laga helayo deegaanka Ceel-Daahir ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xaalad kacsan ay halkaas ka taagan tahay, taasoo ka dhalatay muran xoogan oo u dhaxeeya ganacsatada qaadka iyo qoyska madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Ganacsatada qaadka ayaa la sheegay inay dirayeen gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan tiknikada una direen magaalada Ceel-Daahir, iyagoo ka cabanaya madaxweyne Deni oo ay ku eedeeyeen inuu wiilkiisa u xidhay ganacsiga qaadka, taasoo keentay in ganacsigooda uu burburo.

Khilaafkan ayaa soo ifbaxay bishii Febraayo, markaas oo ganacsatada qaadka ee Puntland ay ku eedeeyeen wiilka uu dhalay Saciid Deni inuu si gaar ah u xirtay qaadka Puntland loo keeno iyo diyaaradaha qaadka keena, taasoo meesha ka saartay tartankii ganacsiga xorta ahaa.

Xiisadda ayaa u muuqata mid sii xoogeysaneysa, waxaana laga baqayaa in haddii aan si degdeg ah loo xallin, ay keento dhibaatooyin amni iyo ganacsi oo gobolka saameeya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here