Xiriirka Soomaaliya iyo Masar oo Murgay – Heshiiskii Milatari oo Hakad Galay

0
23

RNN Somali TV – Muqdisho

Xogaha laga helay ilo diblomaasi ah ayaa muujinaya in uu jiro xiisad hoose oo u dhaxaysa dowladaha Soomaaliya iyo Masar, taasoo ka dhalatay hakad ku yimid hirgelinta heshiis milatari oo labada dal kala saxiixdeen bishii Agoosto 2024.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dowladda Masar ay muujisay walaac sii kordhaya oo ku aaddan isbeddelka siyaasadeed ee dhowaan ka muuqday hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya la yeelatay Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo hore u muujin jiray in uu garab taagan yahay Masar gaar ahaan arrimaha la xiriira khatarta Itoobiya iyo biyo-xireenka Al-Nahda, ayaa hadda loo arkaa inuu ka leexday mowqifkii hore, isagoo dhawaan muujiyay isu soo dhawaansho la leh Addis Ababa.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo diblomaasi ah, Masar waxay u aragtaa isbeddelka mowqifka Soomaaliya mid 180-degree ah oo keeni kara dib-u-eegis ku saabsan iskaashigii istiraatiijiga ahaa ee labada dal. Waxaa la rumeysan yahay in fulinta heshiiskii iskaashiga difaaca ay labada dal gaareen uu haatan hakad ku jiro, iyadoo aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray.

Dhinaca kale, ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in xaaladdan cusub ay si dhow ula socdaan quwadaha gobolka iyo beesha caalamka, kuwaasoo ka walaacsan in xiisaddan ay saamayn ku yeelato xasilloonida Geeska Afrika iyo doorka Soomaaliya ee iskaashiga goboleed.

Inkasta oo aysan dowladuhu si rasmi ah u caddeyn khilaafkan, haddana waxa muuqata in qalalaasaha diblomaasiyadeed ee cusub uu yahay mid u baahan xallin degdeg ah si looga hortago isfaham la’aanta sii fida.

RNN Somali TV waxay si joogto ah idiinla socodsiin doontaa wixii warar ah ee kasoo kordha xaaladdan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here